Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano ku yaallo Shabeelaha Hoose

0

WANLAWEYN (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii la dhaafay howlgallo ka sameeyey gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada huwanta ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Wanlaweyn, kuwaas oo kala ah:- Balow, Murugey, Siigoole, Moora guusha, Culo goof,Ceel hubeer, Culo bar baare, Culo biyoole, Gabaherig, Goobaale oo ka wada tirsan Sh/Hoose.

Howlgalkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa guddoomiyaha maamulka gobolka, Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo kormeer ku tegay deegaanadaasi.

Sidoo kale wuxuu farriin dadka deegaanka oo uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ee howlgallada ka wada halkaasi.

Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo iyo sidoo kale weeraro geysta khasaare kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here