Ciidamada dowladda oo si buuxda ula wareegay degmada Ruun-nirgood

0

AADAN YABAAL (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu shaaciyay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

General Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen degmadaas.

Afhayeenka ayaa xusay in haatan ciidamadu ay howlgal amni xaqiijin ah ka wadaan gudaha degmada Ruun-irgood, si looga hortago qaraxyo ka dhaca halkaasi.

General Caanood ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Ruun-nirgood iyo nawaaxigeeda lagu dilay 150 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo ay jiraan ajaaniib, sidoo kalena nolosha lagu qabtay 15 kale, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ay sii dhaqaaqi doonaan, si ay u gaaraan deegaanada kale oo hoos yimaada degmadaasi oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa qiyaas ahaan Muqdisho u jirto illaa 264 KM, waana degmo dhacda xadka kala qeybiya Galmudug iyo HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here