Ciidamada dowladda oo xalay howl-gal ka sameeyey magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay xalay si wadajir ah ciidanka Booliska iyo kuwa nabad sugidda uga sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir kaas oo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah.

Howl-galkan ayaa waxaa horkacayey taliyaha saldhigga degmada Howlwadaag Najiib Carab, waxaana ujeedkiisa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi.

Najiib Carab oo goob fagaare ah kula hadlay dhalinyarada lasoo qab-qabtay oo markii dambe lasii daayey ayaa ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa howl-gallo lagu xaqiijinayey amniga ka waday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here