Ciidamada dowladda oo xalay howlgal ka sameeyey waqooyiga Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgal ka sameeyey qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee waqooyiga Muqdisho.

Howlgalkan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa horkacayey gudoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo wariyeyaasha kula hadlay isgoyska Fagax.

Madaale ayaa sheegay in howlgalkan lagu burburiyey goobo lagu iibinayey waxyaabaha maanka dooriya, isaga oo tilmaamay inay la dagaalami doonaan dadkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aan adag ay ka qaateen kooxaha ciyaal weerarada, isla-markaana ay ka nadiifin doonaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya waxay kordhiyeen howlgallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socdo xaafadaha magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here