Ciidamada dowladda Soomaaliya oo deegaano kala wareegay Al-Shabaab

0

AFGOOYE (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgallo culus ka sameeyey gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saacadihii lasoo dhaafay deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa gaaray deegaano dhaca miyiga inta u dhexeeya Gandarshe iyo illaa Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminayeysay ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen xarumo ay ka mid yihiin maxkamaddo ay Al-Shabaab ugu yeeri jireen dadka shacabka ah.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo culus ciidamada huwanta waxa ay ka wadeen gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here