Ciidamada DF Soomaaliya oo howlgallo ballaaran ka sameeyay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo amniga lagu xaqiijinayey ayaa waxaa hoggaaminayay taliyaha qaybta Waliyow Cadden G/LE Isaaq Maxamed Ciise, waxaana qayb ka ahaa maamulka degmada.

Inta uu howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo hal goob la’isugu keenay, kadibna qaarkood lasii daayey.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegaya in ujeedka u ahaa sidii looga hortegi lahaa xubnaha lagu tuhmayo Al-Shabaab ee soo galaya magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa sare u qaadan howlgallada ka socda caasimadda, si looga hortago falalka amni darrada ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here