Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka hortegay weeraro qaraxyo ah

0

BALCAD (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyay deegaano miyiga dhaca oo ka tirsan gobolkaasi, waxaana lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Xoogga ee howlgalka sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hortageen weeraro qaraxyo ah, ayna burburiyeen laba gaari oo laga soo buuxiyay qaraxyo.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in ujeedka weeraradaas uu ahaa in laga fuliyo gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus.

Al-Shabaab ayaa inta badan laga saaray deegaanada maamulka HirShabelle, kadib markii uu kacdooan shacab ka billowday gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here