Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay degmada Ceeldheer

0

CEELDHEER (SMN)- Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta si buuxda ula wareegay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen degmadaasi.

Ciidamada gudaha u galay magaalada Ceeldheer ayaa isugu jiro Danab, Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Sidoo kale ciidamada huwanta ee la wareegay degmadan ayaa ah kuwii cagta soo mariyey deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha howlgalkan hoggaamineysay ayaa waxaa ka mid ah Gaashaanle Dhexe Dayax Cabdi Cabdulle oo ah taliyaha guutada 17-aad ee kumaandooska Gorgor, Xidigle Aadan Baaruud oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, Taliyaha ururka 7-aad ee kumaandooska Gorgor Gaashaanle Maxamed Sheekh Axmed iyo taliyaha ururka 1-aad ee kumaandooska Gorgor Saahid Jareere.

Dhanka kale ciidamada deegaanka ayaa waxaa iyaguna horkacayey General Cali Caraaye (Gacma-Duule) iyo General Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho)

Qabashada degmada Ceeldheer ayaa ah fursad kale oo muhiim iyo guul weyn oo markale laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo gobollada dalka

Si kastaba, shalay ayey aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Xarardheere oo ka tirsan gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here