Ciidamada Galmudug oo xiray odayaal heshiis la soo galay Al-Shabaab + Sawirro

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta xabsiga dhigay odayaal kasoo laabtay dhanka Al-Shabaab, kuwaas oo warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha Qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo  saxaafadda la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in odayaasha loo gudbiyay Dhuusamareeb, lagana qaadi doono tallaabo adag.

“Odayaasha waa la xiray, waxaana loo gudbiyay Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo cidna lagama aqbalayo in Khawaarij ay la tacaamusho” ayuu yiri taliyuhu.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa ka hadlay xarigga odayaashan oo la sheegay inay heshiis la soo galeen Al-Shabaab.

“Odayaasha maanta hadlay waa dambiilayaal talaabo ayaana laga qaadayaa xittaa wariyaashii wareystay cadaaladda ayaa la hor keenaa” ayuu isna yiri Warsame.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here