Ciidamada Gorgor oo howlgal culus ka sameeyey duleedka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya duleedka Muqdisho ayaa  sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Gorgor ay howlgal ka sameeyeen agagaarka deegaanka Basra oo u dhexeeyo degmooyinka Afgooye iyo Balcad.

Howlgalka oo ka dhacay tuulada Sabya ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday fariisimo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda ayaa sheegay inay burburiyeen maxkamad ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sidoo kalena ay dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa nawaaxiga deegaanka Basra ee duleedka magaaladaa Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here