Ciidamada Haramcad oo howlgal ka sameeyay Shabeelaha Hoose + Sawirro

0

MARKA (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Booliska gaarka ah Haramcad ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen gobolkaasi.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Cali oo hoostaga Lambar 50, waxaana horkacayey taliyaha ciidanka Haramcadย Gaashaanle Cabdixamiid Cabdullaahi.

Ciidamada ayaa burburiyay xarun maxkamadeed oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Haramcad.

Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobolka Shabeelaha Hoose.

Muddooyinkii u dambeeyay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa kordhisay dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo gobollada dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here