Ciidamada howlgalka ATMIS oo dil ka geystay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ay maanta ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ka geysteen isgoyska Ceel Gaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa.

 

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xuseen Cismaan Cabdullahi, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada darbi jiifka ee ku sugan halkaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa innoo sheegay in ciidamada ATMIS ay toogteen marxuumka, ayna ku dhufteen illaa laba xabadood, taas oo dhalisay caro dadweyne.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta ka dhacay dibad-bax ay dhigeen dadweyne isugu soo baxay goobta, si ay uga dhiidhiyaan dilka loo geystay wiilkaasi yar.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa goobta ayaa soo farageliyay arrinta, waxayna is hortaag ku sameeyeen kolonyada ciidanka ATMIS ee dilka geystay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska ATMIS iyo dowladda Soomaaliya oo ku aadan falkaas.

Ciidamada howlgalka ATMIS ee dalka u jooogo nabad ilaalinta ayaa inta badan dhibaatooyin kala duwan u geysta dadka shacabka ah, ayaga oo xittaa mararka qaar marsiiya gaadiidkooda ama rasaaseeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here