Ciidamada Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab oo markale ku dagaalamay gobolka Bakool

0

XUDUR (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay deegaanka Aato ee gobolka Bakool, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu Booliiska ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Xoogag ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Aato ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar hoobiyaal ku bilaawday ku qaadeen deegaanka, dabadeedna uu bilaawday dagaal fool ka fool ah oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, walow aanan wali la ogeyn khasaraha ka dhashay dagaalka.

Ilo deegaanka ayaa sheegay inuu dagaalkaan saameeyay dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii gaadiidka dadweynaha, ganacsiga iyo isku socodka dadka, islamarkaana wali xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha deegaankaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii ay Al-Shabaab iyo ciidamada Liyuu Boolis ku dagaalameen xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here