Ciidamada Nabad Sugida oo howlgallo qorsheysan ka sameeyey Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Ciidamada Nabad Sugidda ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa xalay howlgallo qorsheysan ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Howlgalladan oo uu ujeedkoodu ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga ayaa waxaa ciidamadu ay ka sameeyeen xaafadaha Isha, Bardaale, Horseed, Holwadaag.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Koonfur Galbeed oo ku aadan howlgalladaasi.

Baydhabo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah oo ay ka geysato Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here