Ciidamada Nabad Sugidda oo xalay howlgal ka sameeyay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada NISA, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Duufaan ayaa xalay howlgal culus ka sameeyay xaafadda Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa si gaar ah uga dhacay dalcadda Suuqa Xoolaha, halkaas oo lagu soo bandhigay boqolaal dhalinyaro ah oo ay su’aallo weydiiyeen ciidamada ammaanka.

Sidoo kale ciidamada Nabad Sugidda ayaa intii uu socday howlgalka waxa ay ku daateen guri ku yaalla xaafaddaas oo ay kala soo baxeen laba nin iyo gabar, sida ay Shabelle u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan howlgalka xalay ka dhacay degmada Heliwaa.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga ee haatan ka socdo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here