Ciidamada Nabad Sugidda oo xalay howlgallo ka sameeyay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda ee magaalada Muqdisho ayaa xalay howlgallo ka sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

NISA ayaa howlgalladan ka sameysay saddex degmo oo ka mid ah gobolka Banaadir, kuwaas oo kala ah Kaxda, Dayniile iyo Heliwaa.

Sarkaal ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid looga hortegayey weeraro ay suurtagal tahay inay Shabaab ka soo abaabulaan degmooyinkaas.

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa xalay howlgal kale oo bartilmaameed ahaa ka sameeyay duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lagu qabtay laba ruux.

Ciidamada ayaa u daatay guri ku yaalla halkaasi, ayaga oo kadib gacanta ku soo dhigay rag lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga ee haatan ka socdo magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here