Ciidamada NISA iyo kuwa Haramcad oo la wareegay deegaano ku yaalla Sh/Hoose

0

MARKA (SMN) – Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka & Booliska Haramcad ayaa si buuxda ula wareegay deegaannada Gandarshe iyo Jilib Marka oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgallo qorshaysan oo ay sameeyeen ciidanka ammaanka ayaa waxaa Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Ciidanka NISA iyo Booliska Haramcad ayaa horay waxay howlgalo balaaran uga sameeyeen degaanno badan oo ku yaala inta ku dhaxaysa Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka, waxaana la sifeeyay jidka isku xira labada magaalo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here