NISA oo qabatay xubin ka tirsan Shabaab oo lagu dabiibayey isbitaalka Digfeer

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa laga helayaa sababta ay Ciidamada NISA ilaalada uga hayaan dhismaha Isbitaal Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ay Shabelle heshay ayaa xaqiijinaya in digniin amni oo la helay ay tibaaxayso in Isbitaal Digfeer suuragal ay tahay in la soo weeraro, dhinaca kalana Shabelle waxa ay xaqiijisay in habeen hore saraakiil ka tirsan NISA ay isbitaal Digfeer kala baxeen qof dhaawac ah oo ka tirsan Kooxda Alshabaab qofkaasi oo la geeyey Isbitaal ay NISA gacanta ku hayso.

Shabelle oo la xiriirtay sarkaal ka tirsan NISA ayaa u xaqiijiyey in qofka dhaawaca ah ay kala baxeen Isbitaal Digfeer uu ka tirsan yahay Alshabaab balse waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo xilliga la keenay Isbitaalka iyo goobta uu ku dhaawacmay.

Wixii ka dambeeyey markii qofka dhaawaca ah ee  ka tirsan  Alshabaab lagala baxay Isbitaalka waxa ay arintaasi sababtay in dhaawacyadii loo qaaday Turkiga dib baaritaan loogu sameeyo bal inay dhici karto dhaawacyo Rag ka tirsan AS in la qaaday.

Sid ay ogaatay Shabelle Dawladda Turkiga iyo DFS oo iskaashanaya ayaa bilaabay in baaritaan lagu sameeyo dhaawacyada lagu dabiibayo Dalka Turkiga.

Taliska NISA ayaa dadaal xoog leh geliyey in helaan qof  ka tirsan yihiin AS ayna ka mid yihiin dhaawacyada yaala Isbitaalka Digfeer.

Ciidamada NISA ee Gobolka Banaadir ayaa habeenkii 3aad ay u xiran yihiin wadooyinka soo gala Isbitaal digfeer iyagoo sugaya amniga Isbitaalka iyo inaysan dhicin in la soo weeraro sida ay iyagu sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here