Ciidamada NISA oo fashiliyey miinooyin lagu aasay degmada Dayniile

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay saacadihii lasoo dhaafay ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, gaar ahaan kuwa Duufaan ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay ku soo saareen miinooyin lagu aasay halkaasi.

Qoraal ka soo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay inay shacabka lasoo xiriireen, kuna wargeliyeen qaraxyadaasi oo markii dambe la fashiliyey, sida lagu sheegay warka NISA.

“Ciidamadda Duufaan ee NISA waxay aad ugu mahadcelinayaan dadka degaanka oo lasoo xiriiray laamaha Sirdoonka Caasimadda, kuna soo wargaliyey Miinadan Al-shabaab dhulka ku Aaseen,” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Duufaan.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyey howl-gallada lagu sugayo ammaanka ee ka socda gudaha magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here