Ciidamada NISA oo howl-gal qorsheysan ka fuliyey degmada Balcad

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada ammaanka saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada nabad sugida, kuwaas oo gaaray deegaano hoostaga magaalada Balcad oo ka tirsan deegaanada HirShabelle.

Sidoo kale saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ayaa sheegay in ujeedka howl-galkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi.

Balcad iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa inta badan weeraro ka fuliyo dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana khasaare uu kasoo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here