Ciidamada NISA oo howlgallo ka sameeyey gobolka Gedo

0

GARBAHAAREY (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen gobolkaasi.

Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada Haanooy ,Dooryaaley iyo Abashiiro oo dhammaan hoostaga gobolka Gedo.

Saraakiisha NISA ee horkaceysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay ujeedka u yahay sidii looga hortegi lahaa weerarada Al-Shabaab ka fuliyaan halkaasi.

Xaaladda deegaanada deegaanada howlgalka laga sameeyey ayaa aad u kacsan, maadaama dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay wadaan labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here