Ciidamada NISA oo hub iyo qaraxyo ku qabtay degmada Dharkenley + Sawirro

0

MUQDISHO(SMN) – Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay guri ku yaalla degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu qabtay keyd hub ah, qaraxyo, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney daganeyd guriga lagu keydiyay hubkaasi, taas oo ay haatan baaritaano ku haayaan hay’adaha baarista.

Howlgalkan ayaa yimid kadib go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalin ka hor ku dhawaaqay, kaas oo ahaa in la bilaabo howlgal guri guri ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Horey ciidamada Nabad Sugidda ayaa gacanta ugu soo dhigay shabakado isku xiran oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo lagu wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here