Ciidamada NISA oo kordhiyay oo howlgallada ay ka wadaan Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa maalmihii u dambeeyey sare u qaaday howlgallada ay ka wadaan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgalladan oo ujeedkooda yahay sugidda amniga ayaa waxaa sameynaya ciidamada gaarka ah ee loo yaqaano Dufaan, kuwaas oo ka mid ah ciidanka hay’adda NISA.

Ciidamadan ayaa baaraya gaadiidka iyo dadweynaha socotada ah, sidoo kale waxa ay hubinayaan baabuurta soo galaya gudaha Muqdisho ee ka imaanaya gobollada dalka.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa caasimadda ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka geysaneysay Xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here