Ciidamada NISA oo xalay howlgal ka sameeyey degmada Heliwaa

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Nabad Sugidda, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Duufaan ayaa xalay howlgal ka sameeyey degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyey xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadaasi, iyaga oo bartilmaameedsady guryo ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada NISA ay gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaad lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Mudddooyinkii u dambeeyey ayaa ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya waxay howlgallo ka wadeen xaafadaha Muqdisho, si looga hortago falalka amni darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here