Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay askari dilay qof shacab ah

0

Taliyaha Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo Warbaahinta la hadalay ay  sheegay In Ciidamada Booliska Magalada Bosaaso ay Gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan Ciidamada oo dil u Geestay Qof Shacab ah kadibna uu Goobta ka baxsaday.

Ciidamada Oo Howlagal Sameeyay Kadib Dilka Marxuumka Ayaa Waxaa U Suurta Gashay In Gacanta Lagu Soo Dhigo Gacan Ku Dhiiglihii Dilka Geestay Oo Hada Ku Jira Gacanta Booliska.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Ayaa Sheegay In ay  Dhamaatay  In Askari Markii Uu Dil U Geesto Qof Shacab Ah La Oran Jiray Waa Baxsaday Qofkasta Oo Dhibateeya Shacabka Cadaalada La Horgeyn doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here