Ciidamada Puntland oo howl-gallo ka bilaabay magaalooyinka maamulkaasi

0

Hawlgallo la xiriira xaqiijinta iyo dardar gelinta Amniga, ayaa ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee dowlad goboleedka Puntland.

Ciidanka Booliiska Puntland oo kaashanaya laamaha kale ee Amnig ayaa hawlgallo ka bilaabay magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in hawlgalka lagu xoojinayo Amniga, islamarkaana lagu beegsanayo cid kasta oo halis ku ah nabadda iyo xasiloonida Puntland.

Hawlgalladan ayaa ku soo beegmay, iyadoo horraantii todobaadkan Puntland dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay inay ka tirsan yihiin xoogaga Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here