Ciidamada Puntland oo howl-gallo qorsheysan ka fuliyey gobolka Bari

0

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa la wareegay goobo ay ku sugnaayeen  xubno ka tirsan Al-Shabaab, halkaasi oo la sheegay in laga soo abaabuli jiray weerarada ka dhaca gobolka Bari.

Howl-gal ay sameeyeen ciidamada ayey kula wareegeen fariisimo Al-Shabaab ay ku lahayeen Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay howl-galladaasi ku qabteen saanad hub ah, walxaha qarxa iyo aaladaha lagu farsameeyo qaraxyada iyo daawooyin.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Puntland ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab iyo sidoo kale kuwa Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here