Ciidamada Puntland oo Khamri badan ku burburiyey duleedka Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal ciidamada Puntland ay ka sameeyeen duleedka Garoowe, isla-markaana lagu burburiyey Khamri fara badan oo la doonayey in lasoo galiyo magaaladaasi.

Fagaaraha lagu burburiyey waxyaabaha maanka-dooriya oo gaarayey illaa shan boqol iyo afar dhalo oo khamri ah ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Garoowe oo ay weheliyaan saraakiisha Booliska.

Laamaha amniga ayaa sidoo kale shaaciyey in Khamrigan lagu qabtay howl-gal ay dhawaan ciidamada Boolisku ka sameeyeen tuulada Kalabayr oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Sidoo kale saraakiisha ammaanka ayaa intaasi kusii daray inay weli ku raad-joogaan shaqsiyaadkii waday gaariga sidday Khamrigaasi oo horey uga baxsaday ciidamada Booliska ee maamulkaasi.

Muddooyinkiii ugu dambeeyey Puntland ayaa kordhisay howl-gallada lagula dagaalamayo maan-dooriyaha iyo dadka ka ganacsada ee ku sugan magaalooyinka maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here