Ciidamada Puntland oo ku biiray dhaq-dhaqaaqyada ka socdo degmada Hobyo

0

HOBYO (SMN) – Wararka laga helayo Mudug ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababar ee PSF-ta Puntland ay ku biireen dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolkaasi.

Ciidamadan oo kasoo baxay dhanka magaalada Gaalkacyo ayaa gaaray degmadaas oo ay ka sameysyeen fariisimo cusub, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Saraakiisha hoggaamineyso ciidamada Puntland ee gaaray Hobyo ayaa sheegay inay kaalin ka qaadan doonaan howlgalka ka dhanka ah Shabaab ee ka bilaabanaya koonfurta Mudug.

Arrintan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Horay maamullada dariska ah ee Glamudug iyo Puntland ayaa ugu heshiiyay inay gacan iska siiyaan amniga gobolka Mudug, si meel looga soo wada jeesto falalka amni darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here