BOOCAME (SMN) – Ciidanka milatariga Somaliland oo wata hub iyo gadiid dagaal ayaa maanta la wareegay degmada Boocame ee ggobolka Sool, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmadaasi, waxaan halkaasi isaga baxay ciidanka Puntland.
Xogaha ayaa sheegaya in ciidamaa Puntland ay hadda joogaan deegaan aan sidaas uga fogeyn magaalada, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco halkaasi.