Ciidamada Somaliland oo markale dil ka geystay magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Ciidamada Somaliland ayaa lagu warramayaa inay maanta dad horleh ku dileen gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay weli ka socdaan rabshado xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay toogasho ku dileen laba qof oo ka mid ahaa shacabka dibad-baxa ka wada gudaha magaaladaasi.

Reer Laascaanood ayaa diidan in magaaladaasi ay sii joogaan ciidamada Somaliland oo haatan isku dayaya inay ku hortagaan dibad-baxyada ka socdo halkaasi.

Dhanka kale dowladda federaalka iyo beesha caalamka ayaa iyaguna si xoogleh u cambaareeyay dhibaatooyinka ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Si kastaba, rabshadaha ka socdo Laascaanood ayaa galay maalintii shanaad, waxa ayna ka dhasheen dilalka inta badan ka dhaca magaaladaas oo dhacda waqooyiga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here