Ciidamada Xoogga dalka oo maanta dhaq-dhaqaaqyo ka wada Ceelbuur

0

CEELBUUR (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay haatan dhaq-dhaqaaq culus ka wadaan agagaarka degmada Ceelbuur ee gobolkaas, halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Gaaashaanle Maxamed Cabdullaahi Caraaye oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgallada ka wada Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay kaabiga ku haayaan Ceelbuur oo kamid ah degmooyinka gobolka Galgaduud, isla-markaana ay muddo sanado ah ka talineyso Al-Shabaab.

Caraaye ayaa sidoo kale sheegay in ay howlgallo kula wareegeen inta badan deegaanada hoostaga Ceelbuur, isla-markaana maalmaha soo socdo ay gudaha u geli doonaan degmadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa guluf dagaal ka waday gobollada Galgaduud iyo Mudug, ayaga oo Al-Shabaab ka saaray degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere oo ka tirsan labadaasi gobol oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here