Ciidamada Xoogga dalka oo dib ula wareegay deegaanka Bacaadweyne

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay dib ula wareegeen deegaanka Bacaadweyne ee oo ka tirsan gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal kooban, kadib ay u suuragashay ciidamada huwanta inay deegaankaasi ka saaraan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa u sheegay warbaahinta inay sii wadi doonaan howl-galladooda, isla-markaana ay ku wajahan yihiin deegaano kale oo ka tirsan gobolka Mudug.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dgobollada Galgaduud iyo Mudug ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ay si wadajir ah u wadeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here