Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey qaraxyo

0

GURICEEL (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay si wadajir ah howlgal uga sameeyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Howlgalka ayaa ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey agagaarka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ee howlgalka horkacayey ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaari siday qaraxyo iyo raggii waday sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in xubnahaasi iyo gaarigaba loo gudbiyey saldhigga Booliska ee degmada Guriceel.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab howlgal ka sameeyey koonfurta gobolka Mudug ay gacanta kusoo dhigeen gaari qaraxyo siday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here