Ciidamada Xoogga dalka oo howl-gallo ka sameeyey gobolka Hiiraan + Sawirro

0

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka  iyo kuwa Ammaanka Dowlad gobaleedka HirShabeelle ayaa howlgallo Amniga lagu xaqiijinayay  ka sameeyay degaano ku yaal duleedka Galbeed  ee magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Howgalka oo u hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxman kheyre,  ayay Ciidanka Ka sameyeen Degaanada, baali, burjada ciinta, doon Maleeyka, oo 25 KM dhanka Galbeed  ugu bageen Magaalada Beledweyne.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Maxamed Cabdiraxman kheyre, ayaa ciidamada ku bogaadiyay xaqiijinta howlaha sugida Amaanka ee ay kawadaan Magaalada Beledweyne iyo  Degaanada hoosyimaada.

Sidoo kale Wasirka ayaa Ciidamada ku amray inay dardar geliyana howgallada iyo sugida amniga maadaama Magaalada Beledweyne ay kamid tahay Gobaha loo asteeyay in dhawaan ay ka dhacaan doorashoyinka Baarlamaanka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here