Ciidamada Xoogga dalka oo howl-gallo ka sameeyey gobolka Sh/Hoose

0

AFGOOYE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ay howl-gallo ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha horkaceysay howl-gallada ayaa shaaca ka qaaday inay ku soo qab-qabteen illaa 6 ruux oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa weli ku sugan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, waxaana inta badan ay dagaallo la galaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here