MUQDISHO (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya oo maanta howlgal ka sameeyay gobolka Galgaduud ayaa gudaha u galay deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo ay horey ugu sugnaayeen Al-Shabaab.
Ciidamada Xoogga dalka ee howlgalka sameeyay ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali Gadiid.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee la wareegay deegaanka Baraag Sheekh Caamir ayaa shaaca ka qaaday in xilliga la soo qabanayey ninkaasi uu saanad u waday Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada iyo howlgallada haatan ka socdo gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.
Galmudug ayaa waxaa haatan ka socdo abaabul ballaaran oo ka dhan Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada maamulkaasi, waxayna ciidamada ku dhow yihiin degmada Xarardheere.
Si kastaba, Al-Shabaab ayaa maalmihii dambe wajaheysay cadaadis uga imaanayo dhanka dowladda dhexe & dadka deegaanka oo iska kaashanaya kacdoonka ka socdo gobollada.