Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyey duleedka Balcad

0

JOWHAR (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen inta u dhexeyso degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalladaan ayaa waxaa horkacayey taliyaha guutada 3-aad, qaybta 27-aad gaashaanle sare Abshir Maxamuud Maxamed oo kormeeray fariisimaha ciidanka ee ku yaalla halkaasi.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka howlgallada uu yahay sidii looga hortegi lahaa weerarada ay xoogaga Al-Shabaab ka fuliyaan wadada isku xirta labadaasi magaallo.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dadka deegaanka, isaga oo ugu baaqay in la shaqeeyaan ciidamada milatariga Soomaaliya ee haatan howlgallada ka wada halkaasi

Inta badan weeraro qaraxyo ah iyo kuwa toos ah ayaa ka dhaca inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar, kuwaas oo saameyn ku yeeshay isku socodka degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiro wax iska caabin ah oo ay la kulmeen ciidamada dowladda ee howlgallada ka wada gobolka Shabeelaha Dhexe.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanada maamulka HirShabelle ka socday dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ATMIS, ex AMSIOM ay ka wadaan gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here