Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa inay maanta la wareegeen gacan ku heynta deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha u galeen deegaanada Masaajid Cali Gaduud iyo Buurdacaar, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin halkaasi, islamarkaana ciidamada dowladda ay si nabdoon kula wareegeen deegaanadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhankooda saraakiisha ciidamada dowladda ay shaaciyeen inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here