Ciidamada Xoogga dalka oo maanta la wareegay deegaanka Cadcadey

0

CADALE (SMN) – Wararka laga helayo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda ay la wareegeen gacan ku heynta deeggaanka Cadcadey oo hoostagga magaaladda Ruunir-good ee gobolkaasi.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa si nabdoon kula wareegay deegaankan, kadib markii ay isaga baxeen xubnihii Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

General Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay inay saaka u suuragashay inay qabsadaan deegaankan oo ay muddo ku sugaanyeen Al-Shabaab, wuxuuna shaaciyey in haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ciidamadu ay sheegeen inay ku gaari doonaan illaa Aadan Yabaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here