Ciidamada Xoogga dalka oo maanta la wareegay deegaanka Masagawaay

0

MASAGAWAAY (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen deegaanka Masagawaay ee gobolkaasi.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galeen deegaankan oo ay sanado badan ka talinayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in haatan ay wadaan howlgallo miino baaris ah oo lagu xaqiijinayo amniga Masagawaay.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaas ku sii dareen inay wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla-markaana ay gaari doonaan deegaano kale oo horleh.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maalmo ka hor ka gudbay xadka Sh/Dhexe, waxaana ujeedka uu yahay inay Shabaab ka saaraan gobollada dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaamineysa howlgallada ka socdo gobollada dalka, kuwaas oo guullo waa weyn laga daaray, maadaama lagu qabtay degmooyin iyo deegaano horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here