Ciidamada Xoogga oo howl-gal miino baaris ah ka sameeyey Awdheegle

0

AWDHEEGLE (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-gallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada kala ah Shaamgare, Jowhar Yareey iyo Mubaarak oo dhammaan hoostaga degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan Gorgor oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay howl-galladan ku fashiliyeen qaraxyo miino oo lagu aasay halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay qarxiyeen miinooyinka ay soo saareen ciidamada inta ay wadeen howl-gallada ka socda duleedka Awdheegle.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka oo kaashaanaya kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Sh/Hoose.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here