Ciidamada DF oo howlgallo ku burburiyey xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab

0

AFGOOYE (SMN) -Ciidanka Xooggga dalka guutada 7-aad, qeybta 60-aad ayaa howl-gal ballaaran oo ka dhan ah  Al-Shabaab ka fuliyey deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada oo howlgalka si gaar ah kaga fuliyay deegaanka Jambaluul ayaa ku burburiyey saldhiggii ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas.

Sidoo kale ciidamada ayaa howlgallo kale ka sameeyay tuulooyinka kala ah Banana, Sardhagool iyo wadada xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo Balcad.

Howlgalladan ayaa waxa ay qeyb ka yihiin dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka wadaan Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here