Ciidamo gurmad ah oo gaaray deegaanka Hilowle Gaab iyo wararkii ugu dambeeyay

0

RUUN-NIRGOOD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaanka Hilowle Gaab oo ay saaka weerar ku billowday qaraxyo ku qaadeen xoogaga Al-Shabaab.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaaal toos ah oo u dhexeeyay xubnaha weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada dowladda oo ku sugnaa deegaanka Hilowle Gaab ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Cabduqaadir Teesto, Kabtan Ciise Qoobey iyo Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Indhoole, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale gaadiid ciidan ayaa ku gubtay dagaalkan, waxaana burbur uu soo gaaray saldhigga uu weerarka ka dhacay.

Dhanka kale ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay gaareeen eegaanka lagu dagaalamay, kuwaas oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay halkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada waxa ay dhankooda shaaciyeen inay khasaare culus gaarsiiyeen ragga weerarka soo qaaday, isla-markaana ay medadkooda yaallaan deegaanka.

Si kastaba, Hilowle Gaab ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay Al-Shabaab, waxaana saldhigyo ka sameystay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here