Ciidamo horleh oo la geynayo gobolka Hiiraan + Ujeedka

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegayaa in saacadaha soo socda ay ku wajahan yihiin ciidamo ka tirsan Xoogga dalka kuwaas oo ka iman doono dhinaca Guriceel.

Ciidamadaan ayaa qayb ka noqon doono gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo maalmihii dambe si xoogan kaga socday Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka Cali Jeyte Cismaan ayaa hoggaaminayo dagaalkaas  waxaana jirta in duleedka Matabaan, deeggaano dhowr ah oo ku yaalla in ay qabsadeen ciidamadda Xoogga dalka.

Ujeedka howlgalka ayaa ah isku furista Belaledwayne iyo Matabaan oo kala go’doonsan iyaddoo haatan dagaalka uu sii xoogeysan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here