Ciidamo hubeysan oo maanta la wareegay xarunta degmada Kaxda + sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maanta ciidamo hubeysan oo u abaabulan hab beeleed ay la wareegeen xarunta degmadaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay xafiisyada maamulka ee xarunta degmada, sida ay innoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadkan ay ka cabanayaan arrin la xiriirta awood qaybsiga maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here