Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gorgor oo tababar loogu soo xiray dalka Turkiga

0

Ururka 7-aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gor-gor ayaa tababar loogu soo xiray Dugsiga Isparta ee Dalka Turkiga, halkaas oo in muddo ah tababar noocyo kala duwan ah ku qaadanayeen.

Munaasabadda tababarka lagu soo xirayay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socotay Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ciidamada goobta ay ku soo bandhigeen dhoolatus iyo gaaddo ka ciyaar.

“ Runtii maanta waa maalin weyn oo maalmaha wanaagsan na soo maray ka mid, waa xafladii todobaad, haddana wey sii soconeysaa, waxaana nasiib wanaag inoo ah inaan maqalno in dhalinyaro ka mid ah ciidanka xoogga dalka 3-dii biloodba mar ay qaataan tababar qaas ah oo loogu talagalay in ciidanka xoogga dalka lagu tayeeyo,” ayuu yiri Generaal Garabeey.

Ugu dambeyntii, Generaal Garabeey ayaa uga mahadceliyay Dowladda aan walaalaha nahay ee dalka Turkiga taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here