Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo qarax lagula eegtay Sh/Hoose

0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda qarax miino lagula beegsaday qeybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

Qaraxa oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Buulo-Mareer iyo Golweyn ayaa waxaa ugu dhintay hal askari, iyada oo uu ku dhaawacmay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada AMISOM ay qaraxa kadib fureen rasaas xoogan, waxayna sii wateen socdaalkooda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan oo uu khasaaraha kasoo gaaray ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here