Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya oo qarax lagula eegtay Garissa + khasaaraha

0

NAIROBI (SMN) – Ugu yaraan 3 askari oo kamid ah booliska Kenya ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay nawaaxiga Garissa oo ku dhaw xadka Soomaaliya maalintii shalay.

Askarta ayaa galbinayay musharax xildhibaan oo degaanka Ijara u tarmaya, kaasoo weerarka ka badbaadey.

Kolonyada ayaa kusii jeeday tuulada Haluqu oo katirsan Garissa xiliga weerarka, waxaana jirin cid sheegatay masuuliyada.

AlShabaab ayaa lagu eedeeyay qaraxa oo noqonaya midkii labaad todobaadka ka dhaca waqooyiga bari ee Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here