Ciidamo ka tirsan kuwa DF oo la geeyey Xananbuure, kadib dagaallo ka dhacay

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Galmudug ayaa ku guuleystay inay ciidamo kala dhex-dhigaan maleeshiyaad dhowaan ku dagaallamay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, halkaas oo laga dareemayey xiisad xoogan.

Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo ka sameysteen gudaha deegaankaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidankaasi loogu talagalay inay sugaan amniga, kana hortagaan colaadaha ka jira halkaasi.

Sidoo kal waxaa ay howl-gallo ballaaran iyo dhaq-dhaqaaqyo milatari ka bilaabi doonaan nawaaxiga deegaanka Xananbuur ee gobolka Galgaduud.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanada Galmudug ka socday howl-gallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaanada maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here